:::Iftiimiye

Ururka Isbaheysiga Umada Soomaaliyeed oo Dowladda Swedan ka codsaday in fursad la siiyo qoysaska kala maqan

Ururka isbahaysiga ummadda Soomaaliyeed ee Sweden oo ka codsaday dowlada Sweden in ay siiso fursad qoysaska Soomaaliyeed ee doonaya in ay qoysaskooda loo keeno kuna wada noolaadaan Iswidhan

 Dhamaadkii bishii november 2009 iyo horaantii bishii Janaayo 2010. maxkamadda sare( ee arrimaha socdaalka Iswidhan (Migrationsöverdomstolen) waxay go`aamisay laba xukun oo cusub oo cadaynaya in baasaboor lagu xiro dhamaan qaraabada sharci deggaansho ka codsanaya dalka Iswiidan. Sharcigaani wuxuu saamayn wayn ku yeeshay qoysas badan ee Soomaaliyeed ee kala maqnaa doonayana in ay la midoobaan qoysas kooda ku sugan.dalka Iswiidan

Ururka isbahaysiga ummadda Soomaaliyeed ee Sweden( Somaliska riksförbundet i Sverige) oo tixraacayain xaalada adag ee xilligaan  ka jirta waddankeenii hooyo iyo dowlada iswidhan oo aan  aqoon sanayn baasaboorka cusub ee Soomaaliyeed, ayuu ururku wuxuu ka codsaday dowlada Sweden oo ah mida ka mas`uulka ah soo galitaanka qaraabada(anhöriginvandring)  in ay siiso fursad qoysaska Soomaaliyeed ee doonaya in ay midoobaan kuna wada noolaadaan Iswidhan. Ururku wuxuu kaloo ka codsaday dowlada Sweden in qoysaska soomaaliyeed loo sameeyo ka dulqaadid(undantag) baasaboorka, dibna loo soo celiyo baasaboorka ku meelgaarka ah ee loogu talagalay dal ku galka Iswidhan (Provisoriska främlings pass).

Ururka isbahaysiga ummadda Soomaaliyeed ee  Sweden (Somaliska riksförbundet i Sverige) waxaa la`aasaasay 1995. Hadafyada ugu waawayn ururka isbahaysiga waa ka shaqaynta midnimada ummadda Soomaaliyeed ee dagan Iswidhan, dhiirigalinta waxbarashada iyo shaqada iyo dhowrida  dhaqanka iyo luqada ummadda soomaaliyeed.

Waxaa kale oo xusid mudan in ururu waaweyn oo ey kamid yihiin Svenska kristna råd eey runtii ka xumaadeen arintaan qaasatan soomaalida taabatay isla markaana eey qoraal u direen dowlada Sweden kana dalbadeen in dib loogu noqdo sharcigaan.

Ugu danbeyn waxaan walaalha soomaaliyeed u soo gudbineynaa in aan marwalba lasocono xaalad walba oo lasoo darista una taaganahay maslaxada ummada soomaaliyeed.

 Ururka isbaheysiga ummada soomaaliyeed waxaa xubno ka ah in ka badan 50 urur oo daggan inta badan gobolada waddanka, ururadaas oo intooda badani yihiin ururada waddanka ugu muhiimsan uguna waxqabadka wanaagsan.

Guddigga fulinta

Ibrahim Xasan Qalinle                                                   Abdulkadir sheekhuna      

Xoghayaha warfaafinta                                                 Xoghaya arimaha qaxootiga

Tel: 0762680891                                                              Tel: 0739719931

admin@iftiimiye.com

mmshiiq@hotmail.com

warar sugan oo xaqiiq ah kala soco iftiimiye.com

Comments

comments

Short URL: http://iftiimiye.com/?p=4299

Posted by on Jul 18 2010. Filed under NEWS. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Both comments and pings are currently closed.

Comments are closed

© :::Iftiimiye - Xuquuqda Bogaan Waa Xafidan Tahay.