:::Iftiimiye

Faallo: Mudaharaadkii, doodii iyo go’aankii baarlamaanka

Waxaan maqaalkaan ku lafaguri doonaa doodii baarlamaanka Iswiidhan  uu  4-ta bisha may,2011-ka  ka yeeshay arimaha dadka ajaaniibta ah iyo weliba saameynta uu  yeeshay mudaaharaadkii ay soomaalidu ka sameeyeen banaanka baarlamaanka. Waxaan kaloo halkaan aan ku sharaxi doonaa waxyaalihii ugu muhiimsanaa ee ay xisbiyadu ka yiraahdeen arinka middaynta qoysaska soomaaliyeed ee kala maqan.

Mudaaharaadkii soomaalida reer Sweden

 

Soomaalida ku dhaqan wadankan Iswiidhan ayaa waxaa ay aad ula socdaan sharciyada adag ee dowlada Iswiidhan ku soo rogtey dadka soomaaliyeed ee doonaaya iney ehelkooda (caruur, ama xaasaska kala maqan) la midoobaan.

Hayàda socdaalku waxaa ay shuruud ka dhigtay in dadka doonaya iney ehelkooda iswiidhan jooga u yimaadaan ay ugu horeyn la yimaadaan teesare ama baasaboor soomaali ah. Shuruudaasi waxaa ay noqotay mid aad ugu adag dadka soomaaliyeed maadaama aaney soomaaliya ka jirin dowlad bixisa aqoonsi iyo baasaboor aduunka laga aqoonsan yahay.

Haddaba guud ahaan soomaalida Iswiidhan ayaa waxaa ay sameeyeen dadaalo kala duwan oo dowlada lagu wacji gelinaayo in arinka soomaalida dib loo eego. Qof kasta oo soomaali ah ee Sweden jooga, dareemayana masuuliyad soomaalinimo waxaa uu qayb ka qaatay u dooditaanka dadka ay shuruudahani saameeyeen.

Waxaa jira dad qoraalo sameeyey, kuwo xiriiro kala duwan la sameeyey dowlada, iyo kuwo shicibka Iswiidhan u sharaxay in shuruuda soomaalida la saaray ay tahay mid aan la fulin karin.Haddaba si umuurtaan si wadajir ah looga hortago waxaa ay ururada soomaliyeed isku raaceen in cudud wadajir ah la muujiyo. Iyadoo la kaashanaayo halku dhigi soomaaliyeed ee ahaa

GACMO WADAJIR BEY WAX KU GOOYAAN

Mudaaharaadkii 4-ta may 2011 waxaa ka qayb qaatay ururo badan oo soomaaliyeed oo ku sugan Iswiidhan. Waxaa qabanqaabada hormuud u ahaa ururka middaynta soomaaliyeed ee afka Iswiidhishka lagu yiraa: Somaliska Riksförbundet (SRFS). Waxaa dadka soomaaliyeed ka yimaadeen dhamaan inta badan gobolada Iswiidhan. Ujeedaduna waxaa ay ahayd iney dowlada iyo baarlmaanka Iswiidhan u muujiyaan sida ay uga xun yihiin shuruudaha lagu soo rogey iyo dhibaatada ay leedahay kala maqnaanshaha ilmaha iyo waalidkood.

Waxaa aad loo soo buuxiyey banaanka hore ee baarlmaanka Sweden. Dadka gobolada Iswiidhan ka yimid waxaa ay ku yimaadeen Basas waayeen oo ay soo kireysteen. Dadka meelaha Stockholm u dhow degana waxaa ay ku yimaadeen tareeno, baabuur ama lug. Dadku waxaa ay wateen boorar ay ku qoran yihiin cabashooyin kala duwan sida: ”Ilmahaygu waa ii baahan yahay”, ”shuruudahani xaq ma aha” iyo kuwo kale oo badan. Si kastaba ha ahaatee waxaa dadka ka muuqdey shucuur wadaninimo.

Hawada ayaa ahayd mid qabow, waxaa dhacaysey dabeyl aad ah, waxaa daàayey roob. Balse dadweynuhu waxaa ay u adkeysteen cimiladaas aan kor ku sheegnay iyagoo mudaaharaadkii kusoo gabagabeeyey wakhtigii loogu talo galay. Waxaa goobta mudaaharaadka joogey dhamaan warbaahinta kala duwan ee ka howl gala dalka. Ka dib kolkii mudaaharaadku dhamaaday ayaa waxaa dadweynuhu bilaabeen iney gudaha u galaan baarlamaanka si ay u dhegeystaan dooda xisbiyadu ka yeelanayeen arimaha ajaaniibta. Dadka badankood waxaa ka muuqdey daal iyo safar dheer oo qaarkood soo galeen.

Waxaan jirin wax fursad ah oo dadku cunto ku doontaan maadaama howluhu ay si xowli ah ku socdeen. Soomaalida ayaa aad u soo buuxisey qaybta dhegeysiga ee baarlamaanka iyadoo si toos ah u daawanaayey dooda baarlamaanka. Dooda baarlamaanka ayaa waxaa ay bilaabatay  kowdii iyo barka duhurnimo.

Doodii baarlamaanka

 

Waxaa laga doodaayey barnaamij balaaran oo ku saabsan arimaha ajaaniibta, kaas oo xisbiyada maamulka Iswiidhan haya iyo xisbiga cagaaran ”miljöpartiet”ay ku heshiiyeen. Qorshahan ku wajahan dadka soo galootiga ahi waxaa uu taabanayaa meelo badan, sida qofka doonaya inuu Iswiidhan shaqo u yimaado, dadka sharciyada loo diidey ee wadanka ku dhex dhuunta, caruurta aan waalidku la socon ee Iswiidhan yimaada, isu keenida qaraabada kala maqan iyo kuwo kale oo badan. Dowlada iyo xisbiga cagaarani waxaa ay heshiiskaan u galeen si loo koobo saameynta uu xisbiga cunsurigu ku yeelan karo arimaha dadka soo galootiga ah.

Waxaa kale oo laga doodaayey mooshino ama qorshooyin kale oo xisbiyadu si gaar ah u soo bandhigeen. Dhamaan xisbiyada baarlamaanka kolkii laga reebo xisbiga cunsuriga waxaa ay carabka ku celceliyeen muhiimada ay leedahay in goàan laga gaaro arinta ku saabsan sidii loo middeyn lahaa qoysaska soomaaliyeed ee kala maqan. Doodii ugu kululayd waxaa soo jeedisey gabadha u hadleysey xisbiga dhinaca bidix ( vänster partiet). Gabadhaas oo la yiraahdo Christina Höj Larsen ayaa waxaa ay tusaale u soo qaadatay hooyo soomaaliyeed oo degan magaalada falköping ee koonfurta Iswiidhan.

Christina iyadoo arinkaas ka duuleysa waxaa ay tiri: ” waxaa aan saakay halkaan baarlamaanka gudihiisa ah kula kulmay hooyo soomaaliyeed oo la yiraahdo Faadumo oo ay ka maqan yihiin catuurteedii oo aad u yar-yar. Faadumo waxaa ay rabtaa iney iswiidhan ku noolaato, iney luqada barato, iney shaqaysato, iney ka qaybqaadato horumarinta Sweden. Balse waxyaalahaas oo dhan ma sameyn karto, maxaa yeelay faadumo waa niyad xun tahay, waa fekertaa, waana wel-welsan tahay. Faadumo reerkeedii ayaa ka maqan mana fahmi karto sababta iyadana loo qaabilay reerkeedii iyo ilmaheediina loogu diidey. Faadumo waxaa ay hadda fadhisaa qaybta dhegeystayaasha ee baarlamaanka. Faadumo waxaa ay xaq inoogu leedahay jawaab. Haddaba waa in aaney maanta dhaafin, waa in aynu faadumo jawaab siinaa. Faadumo ma sugi karto intaan in ka badan”.

Waxaa kale oo tusaalooyinkaas kuwo la mid ah soo jeediyey dhamaan xisbiyada oo dhan. Xisbi walbaa kolka uu hadlaayona waxaa uu eegaayey boqolaalka qof ee soomaaliyeed oo baarlamaanka soo buuxiyey.

Arimaha soomaalida waxaa quseeyey laba qorshe oo isu dhow. Mid waxaa uu ahaa qorshaha ama mooshinka ay soo jeedisey gabar ka socota xisbiga deegaanka oo la yiraa Maria Ferm. Gabadhaas mooshinkeeda waxaa ay soo bandhigtay ka hor intii aaney dowlada iyo xisbiga cagaarani gaarin wax heshiis ah. Waxaana uu taabanaayey meelo badan, sida arimaha qaraabada, dadka raba iney iswiidhan shaqo usoo doontaan, dadka la dhoofinaayo iyo kuwo kale oo badan.  Mooshinkaan markii uu xisbiga cagaarani soo bandhigay ma aaney jirin wax heshiis ah oo dowladu la gashay xisbiga. Ka dib aakhirkii bishii November 2010-ka ayaa waxaa bilaamay wadahadal dheer oo xisbiga deegaanka iyo xisbiyada dowladu wada galeen.

Wadahadalkaas  waxaa ka soo baxay heshiis guud oo xisbiga cagaaran iyo dowladu wada gaareen.  Haddaba waxaa muhiim ah inaan fahamno arinkan soo socda:

Mooshinkii ka horeeyey heshiiska guud ee ay Maria ferm soo bandhigtay ee ka  hadlaayey in soomaalida loo fududeeyo iney qaraabadooda keensadaan waxaa lagu daray qorshaha weyn ee xisbiga cagaaran iyo kuwa dowladu ku heshiiyeen. Qodobo badan oo ku jirey mooshinka hore waxaa loo soo raray oo lagu daray heshiiska balaaran oo xisbiga cagaaran iyo dowladu ku heshiiyeen.

Tusaale ahaan fikirka ah in dadka aan aqoonsiga haysan oo soomaalidu ka mid tahay laga qaado DNA waxaa uu asalkiisii ka yimid qorshihii hore ee xisbiga deegaanku soo bandhigay heshiiska guud ka hor. Sidaas darteed waaxda arimaha bulshada ee baarlamaanka  ay soo jeedisey in mooshinkii hore ee xisbiga deegaanka ( waa mooshinkii ka horeeyey heshiiska guud) la diido. Sababtuna waxaa weeyaan qodobadii ku jirey mooshinka/qorshaha hore waxaa badankood loo soo raray oo lagu daray heshiiska balaaran ee arimaha soo galootiga ee ay dowlada iyo xisbiga cagaarani wada gaareen.

Sidaas darteed waxaa ay waaxda arimaha bulshadu soo jeedisey in baarlamaanku diido mooshinkii hore ee Maria ferm soo jeedisey Balse la aqbalo qorshaha balaaran ee arimaha ajnebiga ee dowlada iyo xisbiga cagaarani wada gaareen. Haddaba 4-ta bisha may doodii dheerayd ka dib waxaa barlamaanku yeelay codsigii waaxda arimaha bulshada ee ahaa in la diido qorshihii hore.  Balse waxaa la filayaa in baarlamaanku aqbalo qorshaha guud ee arimaha ajnebiga. Qorshahaas waxaa ku jira in dadka aan aqoonsiga haysan laga qaado DNA si ay ula midoobaan qaraabadooda. Qorshahan ansixintiisu wax dhib ah kama taagna maxaa yeelay waxaa uu haystaa cod aqlabiyad ah. Marka nidaamka baarlamaaniga ah uun buu marayaa balse waa iska cadahay in la aqbalayo. Dooduna kama taagna in la aqbalo iyo in kale balse waxaa ay ka taagan tahay qaabka qorshahaas loo dhaqan gelin lahaa iyo sidii loo kala hormarin lahaa. Dowladu waxaa ay haysataa iney dhamaan waxii lagu heshiiyey ay dhaqan geliso ilaa 2013-ka. Sidii ay qorshayaasha u kala hormarin lahayd waxaa xor u ah dowlada.  Waxaa kaloo ah arin iska caadi ah in dowladu samayso baaritaano kala duwan inta aaney qorshayaashaas dhaqan gelin. Baaritaanadaasuna waxaa ay qaataan wakhti.

Waxyaalaha soomaalida iyo xisbiyada badankood ku doodayaan waxaa weeyaan in arinka qoysaska soomaalida aan lala sugin wakhti dheer ee lagu daro qodobada ugu horeeya ee dowladu dhaqan gelineyso, maxaa yeelay meesha waxaa ku jira caruur yar-yar oo u baahan iney markale la midoobaan waalidkood.  Dowladuna waxaa ay leedahay ”yes” arinka ku saabsan waalidka iyo ilmaha oo midoobaa waa muhiim balse wax walbaa wakhti bey qaataan. Waan dadaaleynaa balse ma sheegi karo wakhtiga aan dhaqan gelin doono iyo qaabka aan u wajahi doono mideynta reeraha soomaaliyeed. DNA- waa xal ka mid ah xalalka aan ka fekereyno ayaa dowladu leedahay. Waxaa kaloo ninka la yiraahdo Fredrik Federley oo xisbiga centerka la yiraahdo ka mid ah uu sheegay in dowladu sugeyso goàan ka imaan doonaa maxkamada arimaha ajaaniibta. Goàankaas waxaa uu noqon doonaa buu yiri mid la raaco oo xal u noqon kara arimaha qoysaska soomaalliyeed. Maxkamadu waxaa ay haysaa laba ” case” ama dacwo oo qoysaska soomaaliyeed ku saabsan. Labadaas dacwo ayaa goàan laga gaari doonaa dhowaan ayuu yiri.  Waxaa uu yiri goàankaas waxaa uu soo bixi karaa  hal usbuuc, laba usbuuc, ama saddex usbuuc gudahood. Marka xal waa heleynaa ayuu yiri Fredredrik Federley.

Guntii iyo gebagabadii

 

Mudaaharaadkii iyo dhaq-dhaqaaqii ay soomaalidu sameeyeen bisha may 4-teeda 2011-ka waxaa ay ahaayeen kuwo guul ku dhamaaday. Maxaa yeelay dowlada iyo xisbiyada mucaaradkuba waxaa ay yaqiinsadeen in arinka middeynta qoysaska soomaalidu uu yahay mid aad muhiim u ah. Isla markaasna ay lagama maarmaan tahay in xal loo helo.

Xal u raadinta qoysaska soomaalida halkeedii ayey kas ii socotaa, waxaana aynu leenahay laba rajo.

  1. In maxkamada weyn ee arimaha ajnebigu ay wiigaga soosocda goàan kasoo saarto arimaha qoysaska soomaaliyeed. Taas oo noqon karta in maxkamadu soo jeediso qaabkii loo keeni lahaa tusaale ahaan caruurta.  Maxkamadu waxaa ay goàan ka gaareysaa labada dacwo oo ay hayso, ka dibna dhamaan hayàdaha kale oo socdaalku ka mid yahay waxaa ay ku khasban yihiin iney raacaan go àanka maxkamada.
  2. Qodobka kale ee aan sugeynaa waxaa weeyaan in dowladu dhaqan geliso heshiiska guud ee la gaarey kaas oo soo jeedinaaya in dadka aan aqoonsiga haysan laga qaado DNA.  Balse halkaan waxaa muhiim ah in dadaalka iyo wacyi gelinta aan wadno si qorshahaani u noqdo kuwa ugu horeeya ee dowladu dhaqan geliso. Waayo qorshayaasha heshiiska qaarbaa la dhaqan gelindoonaa tusaale ahaan 2013-ka.

Isku soo duuboo rajadii in xal loo helo middaynta qoysaska soomaaliyeed waxaan qabaa iney ka dhowdahay halkii ay joogtey intii ka horeysey 4-tii bisha may.

Dadaalka, ololaha iyo howsha aynu wadno ee ah in aan dowlada Iswiidhan iyo

hay àdeheeda ku wacyi gelino muhiimada ay leedahay in la isu keeno ehelada kala maqan waa inaan halkeeda ka wadnaa.

Qofkii joornaal u bandhigi kara arinkiisa, qofkii maqaalo ku qori kara jaraa ìdka, qofkii ururada Iswiidhan iyo kuwa caalamiga la xiriiri kara. Dhamaanteen waa inaan wadnaa howshan oo aynaan ka seexan ilaa inta aan arkeyno qoysas soomaaliyeed oo la isu ogolaaday.

Halku dhigeenu waa: Ilaahay idankiis guushu waa dhowdahay ee aan dadaalka laba jibaaro. Waana inaan ogaanaa qof walba masuuliyad ayaa arinkaan ka saaran. Kan shalay Iswiidhan yimid iyo kan labaatan sano deganaa Iswiidhan. Yaan loo kala harin:

GACMO WADAJIR BEY WAX KU GOOYAAN

Mahadsanidin

A/risaq Husien

Eskilstuna-Sweden

Comments

comments

Short URL: http://iftiimiye.com/?p=7772

Posted by on May 6 2011. Filed under Eskilstuna, Faalooyinka, NEWS, Sweden. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Both comments and pings are currently closed.

Comments are closed